Kenya oo shaqada ka cayrisay kun macallin

Dowladda Kenya
Image caption Dowladda Kenya

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay ka mamnuucday iskuulada in ka badan kun macalimiin, iyagoo lagu eedeynayo inay gabdho fara xumeeyeen labadii sano ee ugu dasnbaysay.

Gabdhaha la fara xumeeyay ayaa dadooda u dhaxaysay laba iyo toban iyo ilaa shan iyo toban.

Axmed Xuseen oo ka tirsan wasaarada qaabilsan daryeelka carruurta ayaa BBCda u sheegay inaan la ogayn inta ay socotay xad gudubka, laakiin in la xiray macalimiin badan.

Wuxuu sheegay, in telefoon loo sameeyay inay soo wacaan dadka lagu xad gudbay laga ogaa day in xad gudubka uu aad uga baahsan yahay sidii markii hore loo malaynayay.