Weerar burcad badeed

Burcad badeed
Image caption Burcad badeedda Soomaalida ayaa waxa kordhiyeen weerarada

Ciidamada badde ee Yurub ee la dagaallamaya burcad badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa sheegay in markab loo maleynayo in laga afduubay xeebaha bariga Madagascar inuu lumay xiriirkii uu la lahaa shirkada iska leh.

Markabka oo ah mid kalluumeeysi oo laga leeyahay waddanka Taiwan, oo ays aaran yihiin 14 shaqaale ah ayaa laga cabsi qabaa in laga qabsaday meel saldhigayada burcad badeedda u jirta 2500 km.

Burcad badeedda ayaa waxa ay kordhiyeen weerarada ay qaadayaan bilihii u danbeeyay, iyadoo weerarada qaarkood ka dhacayay meelo u dhaw xeebaha waddanka India.