Duqayn ka dhacday Muqdisho

Ciidamada AMISOM
Image caption Ciidamada AMISOM

Ilaa 3 qof, ayaa ku dhimatay Muqdisho, iyadoo ugu yaraan lix qofna ay ku dhaawacantay duqayn maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Duqaynta, ayaa bilaabatay kadib markii hoobiyayaal lagu garaacay fariisimo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad.

Inta badan waxay ku dhacaysa agagaarka suuqa Bakaaraha iyo Degmada Deyniil.

Agagaarka xaafadda al-Baraka, ayaa dadku ay ku dhinteen markii madfac uu ku dhacay.