Shaqaale lagu afduubay Cadaado

Koox dabley ah ayaa ku afduubay labo shaqaalaha hey'adda Save the Children magaalada Cadaado ee bartamaha Soomaaliya.

Kooxda ayaa weerartay guri ay isticmaasho hey'adda samafalka ee Britishka ah ee Save the Children oo ku yaallay magaalada.

Ma kala cadda cidda la afduubay.

Ilaa dhawaan, deegaanka afduubku ka dhacay waxa uu ahaa meel deggan.

Hey'adaha gargaarka ayaa u soo wareejiyay hawlaha ay hayaan deegaanka, kadib markii lagu qasbay inay kasoo baxaan qeybo kale oo dalka ka mid ah.

Weriyayaasha ayaa sheegaya in dagaallo ka dhacay magaalada ay kula wareegeen Ahlu Sunna Wal Jameeca.