Midowga Afrika oo codsaday ciidamo dheeraad ah

Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya
Image caption Ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya

Golaha wasiirada ee ururka Midowga Afrika ayaa weydiistay labaatan kun oo ciidamo nabad ilaalin oo dheeraad ah, oo lagu xoojiyo hawlgalka ay ciidamada Afrika ka wadaan caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ee hadda ku sugan Soomaaliya ayaa ilaaliya dowladda KMG ah ee Soomaaliya, oo ay ka ilaaliyaan kooxaha Islaamiyiinta ee kacdoonka wada, oo gacanta ku haya inta badan koonfurta Soomaaliya.

Guddiga ayaa weydiisan doona golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inay ansixiyaan ciidamadan dheeraadka ah si loo balaariyo hawlgalka ay ka wadaan dalka.

Ciidamo ka kala socda dalalka Burundi iyo Djibouti ayaa la filayaa in ay dhawaan ay tagaan dalka.