Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Weerarka guriga Cawil

Magaalada Hargeysa rag hubeysan ayaa toogasho ku dilay nin ilaalo u ahaa wasiir ka tirsanaan jiray dowladdii hore ee Somaliland.

Ragga hubeysan oo baabuur watay ayaa soo weeraray guriga wasiirkii hore ee maaliyadda Xuseen Cali Ducaale Cawil, halkaasi oo ay ku dileen ninka ilaalada.

Xuseen Cali Ducaale oo xilligaasi ku sugnaa guriga ayaa Farxaan Maxamed Jimcaale uga waramay sida ay wax u dheceen.