Jidka tareenka ee dhulka hoostiisa ee ugu dheeer adduunka

Jidka tareenka ee dhulka hoostiisa
Image caption Jidka tareenka ee dhulka hoostiisa

Waxaa aad loogu riyaaqay dalka Switzerland markii ay dhamaatay qodista miitarkii ugu danbeeyay ee buurta St Gothard hoosteeda ee Swiss Alpska oo laga dhisayo jidka tareenka ee ugu dheer adduunka ee dhulka hoostiisa oo dherer kiisu yahay konton iyo toddoba kilometer.

Dhisida jidka konton iyo toddobada kilometer ayaa wuxuu qaatay afar iyo toban sano, waxaana ku kacday toban billion oo dollar.

Markii la furo jidka tareenka sanadka 2017 waxaa mari doona tareen dhaqso badan oo isku xira waqooyiga iyo koonfurta Yurub, waxay kaloo yarayn doontaa saddexda kun ee baabuurta waawayn ee alaabada ee isticmaala jidadka Swiss Alpine maalin walba.

Dowladda ayaa ku faraxsan in baabuurtan ay dhulka hoostiisa mari doonaan mustaqbalka.