Al-Shabaab oo la qabsaday Ceel-Gaal

Askarta dowladda
Image caption Askarta dowladda

5 qof, ayaa ku dhintay, iyadoo ilaa 10 qof oo kalenaya ay ku dhaawacmeen dagaal saaka aroortii ka dhacay deegaanka Ceel Gaal ee ku yaalla meel u dhow magaalada Beledwayne dhinaca xadka dalka Ethiopia.

Degmada Ceel Gaal, ayaa wararku sheegayaan in ay la wareegeen xooggaga al-Shabaab kadib markii ay halkaas kula dagaalameen ciidamada dowladda ku meelgaarka ah oo ku sugnaa halkaas.

Dagaalka, ayaa bilowday kadib markii xooggaga al-Shabaab ay weerarka ku qaadeen ciidamada dowladda oo fariisin ku lahaa goobta.

Abaabul ciidan, ayaa wali laga dareemayaa deegaanada ku dhow Ceel-Gaal, balse dagaal ma socdo.

Dhimashada iyo dhaawaca, ayaa wararku sheegayaan in ay u badan yihiin kooxaha dagaalamayay.