Dagaalada Soomaaliya

Saaka aroortii, ayaa dagaal aad u culus wuxuu ka bilowday duleedka degaanka Ceel Gaal, gobolka Hiiraan ee xadka dhinaca dalka Ethiopia.

Faahfaahinta badan lagama hayo dagaalka, hase yeeshee, waxaa laba maalmood ka hor dagaal ku qabsaday Ceel Gaal ciidamo ka socda al-Shabaab kadib markii ay halkaas ku weerareen ciidamada dowladda oo fariisin ku lahaa.

Waxaa loo malaynayaa in ciidamada dowladda ay dagaal rogaal celis ah ku qaadeen Ceel-Gaal, balse warar rasmi ah lagama hayo qasaaraha dhabta ah ee dagaalka ka dhashay.

Dhinaca kale,Boqolaal qof oo ka cararay dagaalo ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee xadka la leh dalka Kenya, ayaa gaaray magaalada Mandera ee dalka Kenya.

Magaalada Beled-Xaawo, ayaa shalay waxaa ka dhacay dagaal ay ku dhinteen in kabadan toban qof kadib markii ciidamo dowladda ku meelgaarka ah iyo kuwa ahlu sunnah ay ka qabsadeen kuwa al-Shabaab.

Dhinaca kale, dowladda Kenya ayaa adkaystay amniga xadka.

Weriyaha BBC, Bashkas Jug-Soo dhacay, ayaa iiga waramay saamaynta dagaalka Beled-Xaawo uu ku yeeshay magaalada Mandera.