Burcad badeed sii daayay markab

Burcad badeed
Image caption Burcad badeedda Soomaaliya ayaa heysta maraakiib ka badan labaatan

Burcad badeed Soomaali ah ayaa sii daayay markab sita calanka Panama oo ay ka qabsadeen biyaha badweynta India bishii April ee sanadkan.

Markabka oo ay saarnaayeen 21 shaqaale ah oo dhalashadoodu tahay Filipino ayaa lagu soo warramay in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in in burcad badeedda la siiyay madax furasho.

Burcad badeedda Soomaalida ayaa la aaminsan yahay inay hayaan 25 maraakiib shisheeye.

Weerarada burcad badeedda ayaa kordhay toddobaadyadii u danbeeyay taasi oo lagu micneynayo inay tahay isbeddelka cimilada, oo xilligan baddu ay degan tahay u suurtagelinaya inay burcaddu u weerar tagaan meelo fog.