Frans Barnard oo u mahad celiyay reer Cadaado

Frans Barnard
Image caption Frans Barnard waxaa lagu afduubay Cadaado toddobaadkii hore

Frans Barnard oo koox dabley ah ay toddobaadkii hore ku afduubeen magaalada Cadaado ayaa dib ula midoobay qoyskiisa.

Frans Barnard, oo shalay la sii daayay ayaa maanta ka duulay magaalada Cadaado, isagoo tagay magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, halkaasi oo uu dib ula midoobay qoyskiisa.

Mr Barnard ayaa waxa uu intii aanu ka ambabixin magaalada Cadaado u mahad celiyay maamulka Ximan iyo Xeeb iyo odoyaasha deegaanka oo gacan ka geystay sii deyntiisa.

Frans Barnard ayaa u shaqeynayay hey'adda samafalka ee Save The Children, markii koox dabley ah oo hubeysan ay afduubeen.

Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiiceey ayaa beeniyay wararka sheegaya in lacag madax furasho ah lagu bixiyay sii deynta Frans Barnard.