Fadhigii baarlamaanka Sooomaaliya oo fashilay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ku fashilay in uu kalsooni siiyo Raiisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Baarlamaanka ayaa kulankiisii maanta oo uu ka qeyb galay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed, uuna Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka, Shariif Xasan Shiikh Adan, waxaa ka dhacay buuq ka dib markii la isku af garan waayay qaabka loo qaadayo codka.

Koox ayaa daneyneysay in codku uu noqdo qarsoodi si qof qaliba uu sida isaga la habboon ugu codeeyo.

Laakiin qaar kale ayaa doonayay in codku uu ahaado gacan taag.

Sida darteed buuq ka dhacay goobta la fadhiyay, ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Shiikh Axmed, wuxuu goostay in uu xiro fadhiga baarlamaanka oo Sabtida dib la isugu soo noqdo.

Inkasta oo aan la diidin raiisal Wasaaraha cusub, haddana kooxda ka soo horjeeddaa waxay ugu yaraan ku guuleysteen in aan lagu ansixin fadhigii maanta.

Sidaasi ma ahan sidii uu Madaxweynuhu doonayay, ama Raiisal wasaaraha magacaabani uu jeclaa.

Markaa wax badani waxay ku xirnaan doonaan, galaangalka siyaasadeed ee Madaxweynaha, Ra'iisal wasaaraha magacaaban iyo ragga rajada ka qaba Wasiirnimadu ay ku dhaqaaqaan labada maalmood ee ka harsan maalinta codka lagu kala bixi doono.

Codka gacan taaggu waa mid u daneynaya kooxa dooneysa in Rai'iisal Wasaaruhu uu helo codka kalsoonida.

Waxay doonayaan in ay indhaha saaraan qof kasta diida ansixinta.

Sidaa darteed, dadka rajo ka leh in ay noqdaan Wasiir waxay ku khasbanaanayaan in ay taageeraan ansixinta.

Waxaa iyagan sidoo kale ku khasban kuwa doonaya in ay dano shakhsi ah ka fushadaan Madaxweynaha iyo Ra'iisal Wasaaraha.

Sidoo kale, kuwa sababo kala duwan uga xishoonaya ama uga baqaya in ay si cad isu hor taagaan Ra'iisal Wasaaraha ayaa ku khasbanaanaya in ay taageeraan codkan.