Somaaliya halaga xayiro cirka iyo dhulka

Ciidamada AMISOM
Image caption Ciidamada AMISOM

Midowga Afrika ayaa ugu baaqday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in ay taageeraan in Soomaaliya laga xayiro cirka iyo badda.

Gudoomiyaha Midowga Afrika ee amaanka iyo nabadda Ramtane Lamamra, ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in hadii Soomaaliya laga xayiro badda iyo cirka in laga hortagi karo hubka iyo dagaalyahaniinta soo galaya Soomaaliya.

Wuxuu kaloo ku baaqay in Golaha uu ansixiyo labaatan kun oo askari iyo laba kun oo boliis oo Soomaaliya la geeyo.

Gudoomiyaha Midowga Afrika wuxuu sheegay, Midowga Afrika in ay ka walaacsan yihiin amaandarida Soomaaliya inay ku faafto gobolka.

Dalalka Britain iyo France waxay ka wal wal san yihiin in ay lacag ku bixiyaan ciidamo dheeraad ah oo aan ahayn ciidamo Qaramada Midoobay.