US: Waan taageeraynaa askar dheeraad ah

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka
Image caption Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka Johnnie Carson

Dimlomaasi sare oo Maraykan ah ayaa sheegay in Maraykanka uu taageerayo in la kordhiyo tirada ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaaliya.

Kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Johnnie Carson ma uusan sheegin tirada askarta dheeraadka ah ee uu u malaynayo in lagu kordhiyo.

Ciidamada Midowga Afrika ee jooga Soomaliya ayaa hadda ah toddoba kun iyo laba boqol oo askari.

Mr Carson ayaa sheegay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ka doodi doonto arrintan bisha danbe.

Uganda ayaa hadda dirtay askarta ugu badan ee la geeyay Soomaaliya.