Khilaafka Baarlamaanka

Fadhi
Image caption Baarlamaanka oo fadhiya

Tan iyo Arbacadii markii lagu kala dareeray fadhigii baarlamaanka, waxaa Muqdisho ka socday olole iyo xiisad siyaasadeed oo marba marka ka dambeysa uu heer kulkeedu kor u sii kacayay.

Ololahaas waxaa inta badan ku jiray Mudanyaasha baarlamaanka ee daneynaya in Raiisal Wasaaraha magacaaban la ansixiyo. Waxay mid wadeen wada tashi dhexdooda ah, xodxodasho mudanayaal aan iyagu mawqifkooda la hubin iyo weliba cadaadis loo marayo dhinacyo kala duwan si loo helo tiro codad ku filan in Cabdullaahi Maxamed uu noqdo Ra'iisal Wasaare.

Image caption Madaxweynaha oo uu la fadhiyo Mudane Xasan Macallin

Mudanayaasha u xusul duubaya in xilka Madaxweynuhu u magacaabay loo ansixiyo Ra'iisal Wasaaraha magacaaban ayay wararka qaar sheegayaan in qaarkood ay ugu hanjabeen Guddoomiyaha Baarlamaanka in ay weydiisan doonaan baarlamaanka in isaga xilka laga qaado haddii uu ka noqon waayo go'aanka uu ku gaaray in codka baarlamaanku uu ahaado mid qarsoodi ah.

Laakiin weerar rogaal-celis ah ayaa shalay waxaa la soo baxay dhanka kale ee baarlamaanka.

Shalay (khamiis) ayaa si aan qarsoodi lahayn labada dhinac ee baarlamaanka uu mid waliba qado ku samaystay magaalada iyaga oo u sii diyaar garoobaya codkii maanta lagu billansanaa in lagu kala baxo.

Ra'iisal Wasaaraha uu Madaxweynuhu xilka u magacaabay, wuxuu ahaa nin ka xoogsada dalka Mareykanka oo aan lagu aqoon siyaasadda Soomaaliya. Qaar badan oo ka mid ah mudanayaasha u gulfinaya in la ansixiyo magacaabistiisa iyo qaar badan oo ka soo horjeeda intooda badan waxaa magaciisa ugu horreysay maalintii la magacaabay.

Image caption Guddoomiyaha oo ay ka dhinac Muuqde Mudane Cabdirisaaq Juriille iyo Mudane Cabdiraxman ibbi

Haddaba maxaa keenay ismari waaga baarlamaanka ka taagan?

Kooxda u uloleyneysa waxaa ka mid ah mudanayaal gacan saar la leh Madaxweynaha oo doonaya in tiisu ay meel marto. Waxaa ku jira qaar kale oo haysta ballaanqadyo jagooyin sare oo ay ka qabtaan Xukuumadda. Waxaa iyaguna jira qaar uu u muuqdo xilliga TFG in uu marayo gebagebo oo loo baahan yahay in hawsha la deddejiyo.

Mudanayaasha diiddan, qaarkood waxay cusknayaan in mas'uulkan cusubi aanuu lahayn khibrad siyaasadeed oo uu wax uga qaban karo xaaladda cakiran, welibana ay hadallo lid ku ah xeerarka TFG ay ka soo yeereen ka hor intii aan looba ansixin xilka. Waxaa iyaguna jira mudanayaal aan Ra'iisal Wasaaraha waxba u qabin laakiin doonaya in ay quusiyaan kuwa isaga u ololeynaya.

Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Cabdullaahi Maxamed, waxaa laga aamminay in haddii codku uu qarsoodi noqdo, uu waayo doono kalsoonida baarlamaanka. Sidaa darteed waxaa campkiisu aad isugu deyi doonaa in codku uu ahaado gacan taag, si loo helo codadka mudanayaasha maslaxaddooda awgeed aan ku dhiiran karin in ay si cad isu hortaagaan Ra'iisal Wasaaraha iyo Madaxweynaha iyo inta la jirta.

Dhinac kasta oo laga fiiriyo, waxaa muuqata in Ra'iisal Wasaaraha ay ka dhiganayaan marmarsiiyo, laakiin mudanayaasha baarlamaanka khilaafkoodu uu intaa ka qoto dheer yahay. Dagaalka dhabta ahi wuxuu u dhexeeyaa Mudanayaasha ku dhow dhow Madaxweynaha iyo kuwa ku xiran Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Labada mas'uul ee samiga ah oo iyagu wadashaqeyn leh, isu baahan, muddo dheerna ahaa laba mas'uul oo aad isugu kalsoon wax badanna isla soo ayimay dheriga siyaasadda TFG, ayaa hadda inkasta oo aan afkooda si rasmi ah looga hayn, haddana waxaa raadkoodu ka muuqdaa in ay siyaasaddoodu laba jiho oo isku lid ah u socoto.

Taagerayaashoodu oo marka ay gaabsadaan waxay u qirayaan in ay ku jiraan dagaal ay isaga caabbinayaan dhinaca kale oo ay u arkaan in uu iyaga weerar ku yahay.

Arrinta Raiisal Wasaaraha ee sida kubbadda miiska marba dhinac loo tuurayo haddii aan xal deg deg ah loo helin, waxay sii kala fogeyn kartaa Madaxda sare ee TFG, waxayna soo deddejin kartaa fashilaadda kama dabeysta ah ee TFG.

Waxaa kale oo khilaafkani lid ku tahay talada beesha ugu muhiimsan ee ay dowladdani la'aanteed sii jiri karin - waa Beesha Caalamka, oo Hoggaanka sare ee dowladda ugu baaqday in ay joojiyaan kana gudbaan khilaafaadka.

Umadda Soomaaliyeedna waxay ku khasbanaan doontaa in ay mar kale dib u daawato riwaayad aan ku cusbeyn Masraxa siyaasadda Soomaaliya.