Markab Jarmal ah oo la bedbaadiyay

Burcad
Image caption Markabka Germany ee la bedbaadiyay

Hawlgal ay ka qeyb qaateen ciidamo German iyo British ah ayaa lagu furtay shaqaalaha markab xamuul oo laga leeyahay German, oo lagu afduuibay Axaddii xeebaha Bariga Afrika.

Ciidamada Britishka iyo German ayaa iyaga oo isticmaalaya markab dagaal iyo dayaarad helicopter waxa ay kala wareegeen burcad badeedda afduubay markabka oo ka cararay

Milkiilaha markabka ayaa sheegay in hawlgalka lagu badbaadiyay uu ahaa mid aan dhibaato ak dhicin, sababtoo ah shaqaalaha waxa ay isku soo xireen kabiinka markabka, iyagoo jaray shidaalkii markabka, markaasi burcad badeeddu ma awoodin inay la wareegaan maamulka markabka.

Wasiirka arrimaha dibedda ee German, Guido Westerwelle, ayaa u mahadceliya militeriga Britain taageerada ay ka geysteen.