Taariq Casiis oo lagu xukumay dil

Raiisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Waddanka Ciraaq Taariq Casiis ayaa lagu xukumay dil.

Maxkamad sare oo ku taalla magaalada Baghdad ayaa ku xukuntay Taariq Casiis in la dilo.

Taariq Casiis ayaa loo heystaa inuu galay dambiyo xilligii maamulkii Saaddaam Xuseen.

Taariq Casiis, oo ahaan jiray wasiirka arrimaha dibedda iyo Raiisul Wasaare ku xigeen, ayaa waxaa horey loogu helay dambiyo la xiriira dilka dad ganacsato ahaa.

Waxaa lagu soo warramay inuu aad u jirannaa muddooyinkan danbe.