Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Ethiopia

Madaxwaynaha gobolka Soomaalida ee dalka Ethiopia, Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa muddo todobaad ah ku sugnaa magaaladan London.

Wuxuu ka hor safar ku soo maray magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Wuxuu kulamo la qaatay qurba-joogta ka soo jeedda deegaanka Soomaalida ee Ethiopia.

Cabdiraxmaan Koronto, ayuu uga waramay waramay madaxwayne Cabdi Cumar, todobaadka ay London joogeen waxa u qabsoomay?

Madaxwaynaha, ayaa sheegay in qurbajoogta ka soo jeeda deegaanka Soomaalida ee Ethiopia ay kula kulmeen isaga iyo wafdigiisa magaalada Copenhagen iyo magaalada London.

Labada magaalo, ayuu sheegay in qurbajoogto ku soo dhoweeyeen, ayna xukuumaddu ka dalbatay in ay deegaankooda ku soo laabtaan oo maalgashadaan si ay uga qaybqaataan horumarka gobolka.

Wuxuu beeniyay in taageerayaasha ONLF ay ku bannaanbaxeen safaaradda Ethiopia horteeda xilli uu gudaha safaaradda kula kulmayay qurbajoogta deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Wuxuu kaloo beeniyay in qurba-joogta ay xarig kala kulmi jireen marka ay tagaan gobolka Soomaalida, isagoo sheegay in ay ku soo dhowaynayaan gobolka, sababta ay ugu soo safreen Yurub-na in ay tahay in ay u baahan yihiin qurba-joogta.