Markab la badbaadiyay

Burcad baddeed Soomaali ah
Image caption Burcad baddeed Soomaali ah

Ciidamada Badda ee isbahaysiga ayaa bad baadiyay markab xamuul ah oo Jarmalka laga leeyahay oo ay ku afduubeen burcadda Soomaalida axadii xeebta bariga Afrika.

Ciidamada Jarmalka iyo Britishka ayaa iyagoo isticmaalaya helikobtaro iyo maraakiibta dagaalka ayay la wareegeen markabkii kadib markii ay burcaddii carartay.

Shirkadii lahayd markabka ayaa sheegtay in badbaadinta markabka ay hayad mid nabad ku dhamaatay, sababtoo ah shaqaalaha ayaa isku xiray qol amaan ah waxayna damiyeen shidaalkii matoorka markabka si aysan burcadda markabka ula wareegin.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka Guido Westerwelle ayaa uga mahad celiyay milatatariga Britishka caawintoodii.