Soomaali doon saaran oolagu qabtay Mozambique

Soomaali barakacayaal ah
Image caption Soomaali ka cararay dagaalada dalka

War laga sii daayay Raadiyaha dalka Mozambique oo sheegay in la qabtay doon dalka Tanzania laga leeyahay, oo ay saaran yihiin ilaa 98 soo galooti sharci darro ah oo Soomaali ah.

Waxaa doonta shalay lagu qabtay biyaha badda Mozambique deegaanka Palma ee gobolka waqooyiga Cabo Delgado ee dalka Tanzania.

Lix qof oo u dhashay dalka Tanzania, oo ahaa ragii doonta waday, ayaa la xiray, oo booliisku ay su'aalo waydiinayaan.

Soomaalida soo galootiga ah, ayaa raadiyuhu sheegay in loo qaaday xarunta qaxootiga lagu taageero ee Marratane oo ku taalla gobolka Nampula.

Dhinaca kale, koox kale oo Soomaali ah oo soo galooti sharci darro ah oo horay loo qabtay, ayaa iyagu wali lagu hayaa gobolka Palma oo sugaya in la geeyo xerada qaxootiga Marratane ama in la musaafuriyo.