Walaac laga qabo beeraha Afrika

Beerha Afrika
Image caption Nin falanaya beer Afrika

Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqi doona siyaasad cusub ee maalgalinta gaarka loo leeyahay ee beeraha, iyadoo laga walaacsan yahay dhulalka badan ee beeraha ee dalalka shisheeye ay ka iibsanayaan Afrika.

Koox ku xeel dheer beeraha, ayaa maanta soo saari doonta habka Midowga Afrika ee la tixraacayo marka la dajinayo siyaasadaha beeraha Afrika.

Wasiirada beeraha ee Afrika ayaa shir maanta uga bilaabanaya magaalo madaxda Malawi ee Lilongwe.

Walaaca laga qabo sharciyada dhulka beeraha ee Afrika ayaa sii batay, ka dib markii soddon million oo hektar oo dhul beero Afrika laga kireeyay ama laga iibiyay maalgashato shisheeye sanadkii 2008dii ilaa 2009kii.