Mahiga oo la kulmay laba Shariif

Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr Mahiga
Image caption Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr Mahiga ayaa la kulmay Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka oo is qilaafsan

Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guuud ee Qarammada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, Dr. Mahiga, ayaa maanta garoonka dayaaradaha Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Shariif Shiikh Axmed, iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, Shariif Xasan Shiikh Adan.

Kulankaas waxaa looga wada hadlay khilaafka labada mas'uul ee ugu sarreeya Soomaaliya dhex maray ee ku saabsan sida Baarlamaanku ugu codeynayo Ra'iisal wasaaraha magacaaban.

Wax war ah oo rasmi ah lagama soo saarin kulanka, hase yeeshee, waxaa lagu tilmaamay in labada mas'uul loo soo jeediyay in ay xalliyaan khilaafkooda.