Duqa magaaladda Nairobi oo iscasilay

Duqa magaalada Nairobi Geophrey Majiwa
Image caption Duqa magaalada Nairobi oo la soo taagay maxkamad Talaadadii

Duqa Nairobi, Geoffrey Majiwa, wuxuu is casilay ka dib markii lagu eedeeyay in uu ku lug leyahay musuqmaasuq lagu gaday dhul loogu tala galay qabuuro.

Duqa caasimadda Kenya, wuxuu beeniyay eedeyn loo soo jeediyay oo ah in dhulka lagu gaday qiimihiisa taban jibaar hanti ka badan.

Hore waxaa isu casilay Wasiirrada Arrimaha Dibadda iyo Waxbarashada oo iyagana lagu eedeeyay lunsasho hanti Qaran.

Duqa magaaladu waa mas'uulkii saddexaad ee maalmo yar gudahood isu casila musuqmaasuq lagu eedeeyay dartiis.

Dastuurka cusub ayaa qoraya in dadka u shaqeeya dowladda ay shaqada ka tagaan ama laga cayriyo haddii lagu eedeeyo musuqmaasuq inta eedeymaha noocaas ah baaritaan lagu sameynayo ee laga gaara go'aan.