Isu soo dhowaasho laba Shariif

Ra'iisal Wasaaraha magacaban Maxamed Cabdullaahi
Image caption Maxamed Cabdullaahi, Ra'iisal Wasaaraha magacaaban

Warar ku dhow dhow labada dhinac ee uu u kala jabay baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku soo warramay in ay jirto isu soo dhowaasho.

Labada Shariif oo kala hoggaaminayay labada dhinac ayaa in muddo ahba waxay lahaayeen kulammo isbada joog ah oo ay isku dayayaan in ay heshiis ka gaaraan khilaafka u dhexeeya ee ku saabsan sida laga yeelayo Ra'iisal Wasaaraha uu Madaxweynuhu magacaabay.

Waxay hadda u muuqataa in baarlamaanku cod gacan taag ah u qaadi doono Ra'iisal Wasaaraha magacaaban si loo ansixiyo ama la isu hor taago.

Ma cadda in Shariif Xasan iyo inta la socotay ay ayagu uun ka tanaasuleen codkii qarsoodiga ahaa ee ay ku mintidayeen iyo in uu dhacay baayactan siyaadeed.

Image caption Cumar Cabdirashaiid wuxuu is casilay bishii September, ka dib markii Madaxweynaha ay in muddo ah is hayeen.

Si kastaba ha ahaatee tallaabadani hadday dhabowdo, waa mid ka saareysa dowladda god ay iyadu lugaheeda ku gashay, suurta galna ay ahayd in ay ka soo bixi weydo.

Laakiin arrintani ma ahan si mid kama dambeyn ah u muujineysa waxa uu noqon doono mustaqbalka siyaasadeed ee Ra'iisal Wasaaraha magacaaban.

Haddii codka baarlamaanku ansixiyo, waxaa Ra'iisal Wasaaraha u dhimman in uu soo dhiso Gole Wasiiradeed, taas oo iyaduna markeeda u baahan in laga ansixiyo baarlamaanka.

Tan iyo markii Raiisal Wasaarihii hore iyo Madaxweynuhu ay isku dheceen muddo hadda ugu yaraan lix bilood laga joogo, Madaxda dowladdu waxay ku mashquulsanaayeen khilaafyo wejiyo badan leh.

Inta hawshaas lagu mashquulsan yahayna, waxaa isa sii guraya bilaha fara ku tiriska ah ee ka haray cimriga Dowladda Ku meel Gaarka ah.