Madaxa MI6 oo ka hadlay eedaha Jirdilka

Sir, John Sawers
Image caption Madaxa Sirdoonka dibedda MI6 ee UK.

Madaxa sirdoonka dibedda Britain ee MI6, Sir John Sawers, ayaa ku adkaystay in shaqaalihiisu ay si daacadnimo buuxda ah, aysanna wax lug ah ku lahayn jirdil.

Wuxuu kaloo ku baaqay in howlaha MI6 loo ogolaado in ay qarsoodi sii ahaadaan.

Sir John, ayaa ah mas'uulkii ugu horeeyay ee isagoo xilka haya MI6 hadal sidan oo kale ah si toos ah u jeediya.

Wuxuu sheegay in ay ururada sirdoonku u baahan yihiin in ay qarsoodi sii ahaadaan, xitaa hadii noqoto in mar mar dadka laga soo dhex muuqdo sida maanta oo kale. Wuxuu sheegay in hadii howlaha iyo hababka la adeegsado la soo shaacbixiyo, in aysan howl qaban karin, shaqaaluhuna qatar galayaan.

Dibedaha dadka kala shaqeeya ayuu sheegay in ay u baahan yihiin in loo xaqiijiyo in wixii u sheegaan in ay qarsoodi sii ahaanayaan.

Wuxuu jirdilka ku tilmaamay mid sharci darro ah oo aysan jirin xaalad lagu aqbali karo, isla markaana aysan wax lug ah ku lahayn. Wuxuu intaas ku daray in hadii la ogyahay tallaabo ay qaadeen in ay horseedayso jirdil, inka sharciga UK iyo kan caalamkaba uu farayo in tallaabadaas ay ka joogsadaan, waanan ka joogsannaa buu yiri xitaa hadii ay taas keenayso in fal argagixiso la fuliyo. Wuxuu yiri, waxaa dhici karta in dadka qaar ay su'aal ka keenaan hadalkaas, balse waxaan noo cad buu yirin in ay tahay tan saxa ah ee la samaynayo.