Dad ku dhintay dagaal ilaa xalay ka socday Muqdisho

Dagaal goosgoos ah, ayaa saakay ka dhacay Muqdisho.

Dagaalka, ayaa daba socday dagaal xoog leh oo xalay fiidkii ka bilowday magaalada Muqdisho.

Madaafiic xoog badan ayaa magaalada xalay laga maqlayay intii uu dagaalku socday.

Ilaa lix qof oo rayid ah, ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dagaal ilaa xalay ka socday magaalada Muqdisho oo rasaas iyo duqaynba ay dhinacyadu isku waydaarsadeen.

Degmooyinka Boondheere iyo Hodan, ayaa dagaalka xoogiisu uu ka dhacay.

Wuxuu dagaalku bilowday sida wararku sheegayaan kadib markii xoogaga mucaaradka Islaamiyiinta ay galeen fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM saldhigyo ku lahaayeen.

Waxaa wararku sheegayaan in qasaare xoog leh uu kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, balse lama xaqiijin karo inta uu la eg yahay qasaarahaas.