Mamnuucida alaabada ka timaada Somaaliya iyo Yemen

Bamm lagu soo dhex qariyay mashiinka kombuterka wax ka daabaca
Image caption Bam lagu soo dhex qariyay mashiinka kombuterka wax ka daabaca

Hayadda caalamiga ee gaadiidka cirka IATA oo matasha in ka badan laba boqol oo diyaaradood adduunka, ayaa ka digtay qatarta ka imaan karta hadii dowladdaha caalamka ay ku dhaqaaqaan talaabooyin adag iyagoo ka jawaabaya bobmkii laga helay diyaarada xamuulka toddobaadkii hore.

Saraakiisha ammaanka oo ka qayb galaya shir looga hadlayo ammaanka caalamka oo ka socda magaalada Frankfurt ee Jarmalka, ayaa sheegay inkastoo ay ammaanka dayuuradaha ay tahay dowladda shaqadeeda, laakiin in dhaqaalaha adduunka uu ku xiran yahay alaabada lagu qaado diyaaradaha, dowladaha aduunkana loo baahan yahay inay aqoonsadaan.

Dowlado badan oo yurub ayaa adkeeyay ammaanka markii bombka la helay.

Britain waxay joojisay alaabada ka timaada Yemen iyo Soomaaliya.

Jarmalka wuxuu ku dhawaaqay inuu mamnuucay duulimaadyada ka imaanaya Yaman oo dhan.

Holand ayaa sidoo kale joojisay alaabada iyo waraaqaha kaga yimaada Yemen.