Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Nin Soomaali ah oo dalka Maraykanka jago loo doortay

Image caption Xuseen Samatar

Xuseen Samatar oo nin Soomaali ah oo muddo labaatan ku dhow deganaa dalka Maraykanka, ayaa loo doortay in uu xubin ka noqdo guddiga maamula dugsiyada waxbarashada magaalada Miniapolis.

Waxay noqonaysaa markii ugu horaysay ee guddigan uu ka mid noqdo dadka soo galootiga ah ee ku sugan dalka Maraykanka qaatay dhalashada dalkaas.

Waxaa markii la doortay kadib uu u waramay weriyaha BBC, Maxamed Xaaji Xuseen.

Wuxuu sheegay in uu ku faraxsan yahay jagada loo doortay.

Wuxuuna u mahadceliyay Soomaalida gobolka Minnesota oo uu sheegay in ay kaalin wayn ka qaybteen in uu doorashada uu u galay xubinnimada guddiga waxbarashada magaalada Minneapolis ku guulaystay.