Soomaali lagu xiray California, Maraykanka

Al-Shabab
Image caption Al-Shabab

Wasaaradda caddaaladda Maraykanka, ayaa sheegtay in sadex nin oo ku noolaa gobolka California lagu soo oogay eedo ah in ay maalgalin iyo taageero kale siinayeen kooxda Islaamiyiinta Soomaalida ah ee al-Shabaab.

Sadexda ninka, Baasaay Siciid Macalin, Maxamed Maxamed Maxamuud iyo Ciisa Dooreh, ayaa lagu eedeeyay in ay lacago u uruuriyeen oo ay u direen Soomaaliya, iyagoo ka jawaabayay codsiyo toos ah oo ay ka heleen hogaamiyihii al-Shabaab, Aden Xaashi Cayro.

Waaxda cadaaladda, ayaa sheegtay in ay sii wadeen lacago in ay ku bixiyaan wax lagu tilmaamay falal argagixiso kadib marii uu Cayro ku dhintay gantaal maraykanku ku dhuftay bishii May sanadkii 2008.

Ragga ayaa lagu xiray magaalada San Diego Maalmihii Axadda iyo Isniinta.