Dowladda Britain oo wax ka badalaysa horumarinta caalamiga

Xoghayaha  horumarinta caalamiga
Image caption Xoghayaha horumarinta caalamiga ee Britain Andrew Mitchell

Dowladda Britain ayaa sheegtay inay bilaabayso hab cusub oo ay ku bixiso gargaarka horumarinta caalamiga.

Wasaarada horumarita caalamiga ee Britain (DFID), ayaa doonaysa inay ka qayb galiso shirkadaha gaarka loo leeyahay howlaha horumarineed ee ay ka wado waddamada soo koraya, si ay u badiso gargaarka hormarineed.

DFID waxay furi doontaa bisha Janaayo ee soo socota, laan cusub oo qaabilsan kaalinta ay ganacsiyada ay ka qaataan horumarka waddamada soo koraya.