Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Falanqeynta iyo Prof. Cabdalla Mansuur

Barnaamijka Falanqeynta waxaa marti ku ah Prof. Cabdalla Cumar Mansuur oo ah khabiir aqoon cilmiyeed u leh dhaqanka iyo af Soomaaliga, isago shahaadada cilmi-afeedka iyo dhaqanka ka qaatay jaamacadda Roma.

Waxaana sannadihi 1980s uu maaddo ku saabsan taariikhda af Soomaaliga uu ka dhigi jiray kulliyadaha luqadaha ee magaalada Muqdisho.

Sanadkii 1990 waxa uu yimid magaalada Roma waxaana halkaas uu ka sii waday cilmi baarista af Soomaaliga.

1997 ilaa iyo maanta waxa uu bare ka yahay jaamacadda Roma Universita degli Studi Roma Tre, isagoo walibana xubin ka ah kooxda cilmibaarista af Soomaaliga ee jaamacaddaasi.

Waxa uu soo saaray qoraalo badan oo ku saabsan dhaqanka iyo af soomaaliga.

Weriyaha BBC ee Roma Aden Sabriye ayuu u warramay.