Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan

Hay'adda Amnesty oo dhaleecaysay Kenya

Hay'adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International, ayaa war ka soo saartey tallaabo ay sheegtey in Kenya ay ku amartey qaxooti Soomaali ah oo tiradoodu gaareyso ku dhow dhowdahay ilaa 8 kun inay dib ugu laabtaan dalkooda.

Dadkani ayaa ka soo cararey dagaalo culus oo dhowaan magaalada Buulo Xaawo oo ku dhow xadka Kenya ku dhex marey xoogag iska soo horjeeda. Hay'addau waxay sheegtey in malaintii Khamiista ilaa 3000 oo qaxooti xoog loogu celiyey Somalia, talaabadaas oo ay sheegtey inay khatar gelineyso amaanka qaxootiga iyo weliba in xuquuqdooda lagu tacadiyo.

Weriyaha BBC, Daud Aweys, ayaa sheegay in dowladda kenya ay beenisey warkaasi, kuna doodeysa in qaxootigaasi ay iskood u go'aansadeen in ay dalkooda ugu laabtaan.