Burcad-badeeda Soomaaliya oo qaadatay lacagtii ugu badnayd

Burcad-badeeda Soomaaliya, ayaa loo malaynayaa in ay heleen lacagtii ugu tirada badnayd ee madaxfurasho loo siiyo, oo ay ka qaateen laba markab.

Weriyaha BBC uga soo warama gobolka, ayaa sheegay in ilaa todoba million oo doolar lagu bixiyay sii daynta markabka Golden Blessing, oo ah markab Xamuul oo laga leeyahay dalka Singapore oo ay saaran yihiin ilaa sagaal iyo toban shaqaale u dhashay dalka Shiinaha.

Lacagtii ugu badnayd oo sagaal million ahna waxaa lagu soo waramayaa in la siiyay burcadbadeedda si ay u sii daayaan markab kale oo kuwa shidaalka qaada ah, oo la yiraahdo Samho Dream, inkastoo wali aysan cadayn in markabku ka baxay gacanta burcad-badeeda.