Maxkamad xukuntay in Kenya sharci u haysan maxkamadaynta burcadda-badaha

Maxkamad Sare oo ku taala Magaalada Mombassa ee Dalka Kenya ayaa sheegtay in Kenya aanay sharci ahaan xaq u lahayn in dalkeeda ay maxkamad ku saarto ama ku xirto dadka lagu helay ama looga shakiyey falal burcad-badeednimo.

Maxkamadan, ayaa isla markaasi amartay in la sii daayo dhalinyaro sagaal ah, oo lagu soo eedeeyey falal burcad badeednimo, waxayna sheegtay in dambiyadda lagu soo eedeeyey raggan ay ka dhaceen goobo ka baxsan xuduudaha Kenya.

Go'aankan waxaa uu waji-gabax ku noqonayaa dadaalada ka dhanka ah burcad badeeda, dadaaladaasi oo si xooggan u taageerayaan dalal ka mid ah Midowga Yurub iyo dalka Maraykanka, oo dhaqaale iyo ciidan ku bixiyey sidii la isku hortaagi lahaa burcad-badeeda.