Burcad maxkamad lagu saarayo Maraykanka

Burcad laga soo qabtay Badda
Image caption Burcad laga soo qabtay Badda

Maxkamad la saarayo shan nin oo Soomaali ah oo lagu eedeynayo Burcad badeed ayaa ka bilaabatay Maraykanka.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in nimanka ay xabado ku fureen markab dagaal oo Maraykanka uu leeyahay bishii April, kadib markii ay ku qaldameen iniuu ahaa markab xamuul.

Qareenka difaacaya nimanka Soomaalida ayaa u sheegay maxkamadda inay nimanka ahaayeen niman kalluumaysato oo aan danbi lahayn, ayna qasbeen niman burcad ah oo ku qasbay inay burcad noqdaan haddii kale la dilaayo.

Hadii nimanka Soomaalida ay maxkamadda ku hesho danbiga xabsiga ayay ku jirayaan noloshooda inta ka hartay.

Dacwadan maxkamadda ee Burcadda ayaa ah tii ugu horaysay ee lagu qabto Maraykanka mudo qarni ka badan.