Burcad badeed markab afduubay

ciidamo
Image caption Ciidamada ku sugan xeebaha Soomaaliya ee la dagaallama burcad badeedda

Burcad badeed ayaa afduubay markab marayay meel sagaal boqol oo mile u jirta xeebaha geeska Afrika, biyaha u dhaw waddanka India.

Ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan xeebaha Soomaaliya ee la dagaallama burcad badeedda ayaa sheegay in markabka oo sitay calanka Panama oo la yiraahdo the Hannibal the Second, ay saarnaayeen 31 qof oo shaqaale ah, oo badankood u dhashay Tunisia.

Ciidamada Midowga Yurub ayaa sheegay in markabka oo waday saliida cuntada lagu karsado la afduubay isagoo ka yimid dalka Malaysia una socda dhinaca Suez Canal.