Paul iyo Rachel Chandler waa la sii daayay

Paul and Rachel oo lagu soo dhoweynayo Villa Somalia
Image caption Paul iyo Rachel Chandler ayaa waxaa qaabbilay Ku Simaha Madaxweynaha iyo Raiisal Wasaaraha.

Waxaa saaka aroortii la sii daayay Paul and Rachel Chandler oo ah laba ruux oo British ah oo muddo sannad ka badan lagu haystay Soomaaliya.

Burcad badeed ayaa qabsaday labadaa ruux oo iyagu is qaba, mar ay doon ku marayeen badweynta India bishii Oktoobar.

Saaka ayaa farta laga saaray duqeyda iyo maamulka Cadaado.

Hadda waxay hawada ayay ku jiraan oo waxay u sii jeedaan magaalada Nairobi.

Wararka qaar ayaa sheegaya in la bixiyay lacag madax furasho ah, laakiin taas lama xaqiijin.

Paul Chandler ayaa BBC u sheegay in isaga iyo xaaskiisu ay aad u macluuleen laakiin ay wanaagsan yihiin.

Wuxuu sheegay in burcadda af duubtay aanay naftooda si toos ah khatar u gelin qabsashadii ka dib.

Cadaado markii ay ka amba bexeen waxaa la sii marsiiyay Muqdisho halkaas oo madaxda Dowladda KMG-ka ahi ay ku qaabbishay Villa Somalia.

Madaxa Ximan iyo Xeeb oo ah maamulka, Maxamed Adan Tiiceey, ayaa isaga oo jooga Cadaado u sheegay BBC in dadka degaanku ay gacan weyn ka geysteen sii deynta labadaa ruux ee Britishka ah.