Kenya oo dishay 3 Soomaali ah

Sawir hore
Image caption Burcad badeed Soomaaliyeed oo hadda ka hor ciidanka Faransiisku ay qabteen

Ciidanka Kenya ee badda ayaa sheegay in ay toogteen oo dileen saddex nin oo Soomaali ah oo loo maleeyay in ay yihiin burcad badeed.

Nimanku waxay u soo dheceen ayaa la yiri doon ilaalo ah oo ay u qaateen in ay tahay doon sidda bagaash.

Nin afraad ayaa isagana toogasho lagu dhaawacay, kaas oo badda ku booday waxaa la rumeysan yahay in uu dhintay.

Af hayeen u hadlay Kenya ayaa sheegay in weerarku ka dhacay biyaha Kenya, xeebta magaalada Kilifi.