Shir AMISOM uga furmay Bujunbura, Burundi

Waxaa magaalada Bujumbura ee dalka Burundi ka furmay shirka ay qabanqaabisay Amisom.

Shirkaas oo looga hadlayo arrimo quseeya howlgalka AMISOM, ayaa lagu casuumay khubarro kala duwan oo u badan kuwa dalalka Africa si ay u eegeen caqabadaha horyaala iyo wax ka qabashooda iyo taageerada la siinayo dowladda ku meelgaarka.

Weriyaha BBC, Maxamuud Cali Maxamed, ayaa ku sugan magaalada Bujunmbura ayaa sheegay in AMISOM ay shirkan ku eegayso dhibaatooyinka ilaa hadda ay la kulantay 3-da sano ee Soomaaliya ay howlgalka nabad ilaalinta ka waday Soomaaliya, iyo sida AMISOM ay ku sii xoojin karto taageerada ay siinayso dowladda ku meelgaarka ah iyo hanaanka dib u heshiisiinta Djibouti.

Khubarada ka qaybgalaya ayaa u badan kuwa Africa, balse waxaa kaloo ku jiraya wakiilada dalal EUROPE ah iyo buslada caalamkaba.