Buuhoodle oo dagaal ku ciiday

Buuhoodle
Image caption Buuhoodle

Degaan ka tirsan Buuhoodle ayaa maanta dagaal ka dhacay.

Waxaa ku dhintay ugu yaraan saddex ruux.

Waxaa is dilaya laba kooxood oo ka soo jeeda beelaha Buuhoodle iyo Burco.

Balli ku yaalla Kalshaale oo ay reer baadiyaha labada beelood biyaha ka cabbi jireen ayaa muranku ka billowday.

Xabbaddu waxay billaabatay xilligii la tukanayay salaadda Ciidda.

Waxaa hadda la sheegayaa in xabbaddu ay istaagtay.