Xukuumadda oo qorshaheeda hordhigtay baaralamaanka

baaralamaan
Image caption Fadhiga baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya

Baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta fadhi uu yeeshay waxaa lagu soo hor dhigay qorshaha xukuumadda cusub ee Raiisul wasaare Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Fadhiga baarlamaanka ee maanta ayaa waxa uu bilow u yahay dood ay ka yeelanayaan qorshaha ay xukuumaddu soo hor dhigtay oo ay ku jirto sidii loo ansixin lahaa golaha wasiiradda ee Raiisul wasaaruhu soo magacaabay.

Xubnaha baarlamaanka ayaa la siiyay in muddo ah inay ku soo aqristaan qorshaha dowladda, isla markaana ay ka dhiibtaan aragtidooda.

Golaha cusub ee wasiiradda ee dhawaan la magacaabay ayaa mucaaradad kala kulmay qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka oo dhaliilsan qaabka loo soo xulay xubnaha cusub.