Meles oo sheegay in ay gacan siinayaan Somaliland

Meles iyo Siilaanyo
Image caption Raiisul wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi iyo Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Siilaanyo

Raiisul Wasaaraha Ethiopia, Meles Zenawi ayaa sheegay in iskaashiga u dhexeeya Ethiopia iyo Somaliland la sii xoojin doono.

Raiisul wasaaraha ayaa hadalkan sheegay mar uu xafiiskiisa magaalada Addis Ababa ku qaabilay Madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo.

Sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Ethiopia, Meles waxa uu sheegay in iskaashiga mudada dheer u dhexeeyay labada dhinac in la sii adkeynayo.

Raiisul wasaaraha Ethiopia ayaa u xaqiijiyay in Ethiopia ay taageero u fidineyso Somaliland dhinacyada ammaanka, nabadda, ganacsiga iyo isgaarsiinta.

Madaxweynaha Somaliland, Axmed Siilaanyo, ayaa Arbacadii booqasho saddex cisho ah uga bilaabatay waddanka Ethiopia.