Niman Soomaali ah Jarmalku maxkamadeynayo

Badda Soomaaliya
Image caption Badda Sommaaliya

Toban nin oo Soomaali ayaa maxkamad la saarayaa magaalada Humburg ee Jarmalka iyadoo lagu eedaynayo inay isku dayeen inay afduubaan markab Jarmalka laga leeyahay.

Waa maxkamadii ugu horaysay ee burcad lagu saaro magaaladaas afar boqol oo sano.

Markab Jarmalka ayaa bishii April ay burcad qabsatay mudo gaaban, laakiin markabka dagaalka ee ciidamada Duchka ayaa la dagaalay oo markabka bad baadiyayay, kadibna burcadda qabtay oo gacanta u geliyay Jarmalka.

Haddii nimankan lagu helo danbiga waxay xabsiga ku jirayaan 15 sano.

Hayadda Badmaaxyada ee Caalamiga ayaa sheegtay in ay burcada Soomaalida ay hadda haysatio 23 Markab.