AMISOM oo baaraysa rasaas ciidankooda furay oo 2 ku dhimatay

War saxaafadeed ka soo baxay xarunta ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in waraarka soo gaaray ay tilmaamayaan in kolonyo gaadiid ah oo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay saarnaayeen ay xabado ku fuureen shacab jiidka marayay.

War saxaafadeedka oo ku tilmaamay dhacdada "Falkaas foosha xun" waxaa lagu sheegay in ay ku dhinteen laba qof oo rayid ah todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Mid ka mid rayidka dhaawacmay ayaa isbiitalka Ciidamada Nabad ilaalinta ee AMISOM la geeyay Lixda kalena waxaa loo qaaday isbitaalka Madiina.

"Waxaan diyaar u nahay in aannu daawayno lixda kale haddii loo baahdo." ayaa lagu sheegay war saxaafadeedka AMISOM.

"Illaa iminka nooma cadaanin sababta rasmiga ah ee ay ciidamadeena xabadda u fureen lamana hubo in ay naftooda uga baqeen. Dhamaan Ciidamada falkaas gaystay gacanta ayaa lagu dhigay isla markaasinna xabsi ayaa la geeyay. Baaritan ayaana socda si ay loo ogaado falka sida uu u dhacay," Saas waxaa yiri Taliyaha Ciidamada Nabad ilaanta ee AMISOM, Jeneraal Nathan Mugisha.