Ciidamada AMISOM oo rasaas ku furay rayid

Amisom
Image caption Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM

Ugu yaraan laba qof oo rayid ah ayaa ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen markii ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan magaalada Muqdisho ay maanta rasaas ku fureen dad rayid ah.

Ciidamada ayaa wararku sheegayaan in ay rasaasta fureen xilli ay marayeen meel u dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in arrintu ay dhacday markii ay isku dhaceen laba bus oo yar yar oo ah kuwa dad weynaha.

Lama oga sababta ay rasaasta u fureen ciidanka Midow Afrika.

Dadka dhaawacmay ayaa waxa ku jira laba caruur ah iyo haween.