Shabaab iyo Ahlu Sunna oo dagaallaya

Shabaab
Image caption Shabaab iyo Ahlu Sunna waxa ay ku dagaallamayeen Galgaduud maalmihii ugu danbeeyay

Ugu yaraan sideed ayaa ku dhintay in ka badan 20 waa ay ku dhaawacmeen dagaal culus oo u dhexeeya xarakada Shabaab iyo Ahlu Sunna oo ka scoda gobolka Galgaduud.

Dagaalka oo maalmihii ugu danbeeyay labada dhinac ay ku dagaallamayeen tuulooyin u dhaw degmada Guri Ceel ayaa wararku sheegayaan in la isku adeegsaday maanta hub culus.

Labada dhinac ayaa mid walba sheeganaya in guul uu ka gaaray dagaalka.

Dagaalka ayaa saameeyay dadka reer miyiga ee ku dhaqan deegaanada la isku dagaallayo.