Colaada labada Kuuriya

Jasiirada Kuuriyada koonfured
Image caption Jasiirada Kuuriyada koonfured ee Yeonpyeong ee weearka lagu soo qaaday

Kuuriyada Koonfureed iyo Kuuriyada Waqooyi ayaa midba midka kale dhaleeceeyay, kadib markii ay madaafiic istuureen mudo hal saac.

Madaafiic tiro badan ayaa ku soo dhacday jasiirad ay leedahay Kuuriyada koonfureed oo u dhow xudduuda, iyadoo dishay laba askari dhaawacdayna ilaa konton qof oo rayad iyo askar ah.

Guryo badan ayaa gubtay dad badana waxay galeen godad dhulka hoostiisa ah si ay u badbaadaan.

Kuuriyada Waqooyi ayaa ku eedaysay Kuuriyada Koonfureed inay ayada weerarka ku horaysay.

Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay inay ka samaynaysay tijaabooyin milatari Jasiirada agteeda laakiin aysan xabado u tridin dhinaca Kuuriyada Waqooyi.

Cambaarayn badan ayaa ka timid caalamka madaafiicda ay Kuuriyada Waqooyi ku tuurtay Kuuriyada Koonfureed.

Afhayeenka Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Kuuriyada Waqooyi ay joojiso weerarka.

Wasiirka arrimaha dibada ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sheegay qofkii bilaabay weerarka iyo kuwii ku riday madaafiicda Kuuriyada Koonfureed inay masuul ka noqon doonaan.

Shiinaha ayaa labada dhinac ugu baaqday inay ka shaqeeyaan nabada.

Madaxweynaha Kuuriyada koofureed, Lee Myung-bak, ayaa laga soo xigtay in uu militeriga amar ku siiyay in ay u jawaabaan haddii Kuuriyada Koonfureed ay mar kale sameyso daandaansi.

Af hayeenka Madaxweynaha ayaa sheegtay in Madaxweyne Lii, uu amar ku bixiyay in gantaallo lagu garaaco Kuuriyada Waqooyi haddii ay mar dambe soo weerarto carrada Kuuriyada Koofureed.