Liberia oo dayn laga cafinayo

Madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf
Image caption Madaxweynaha Liberia Ellen Johnson Sirleaf

Liberia ayaa la gashay heshiis laba shirkadood oo ku leh lacag dayn ah oo ay Liberia qaadatay sanadihii 1970 meeyadii.

Shirkadaha oo kala ah Hamsah investment iyo Wall Capital, ayaa kula heshiiyay Liberia inay bixiso oo kaliya ilaa saddex boqolkiiba, afartan iyo saddex million dollar ee lagu leeyahay Liberiya.

Shirkadahan ayaa ka mid ah shirkado lagu dhaleeceeyo inay gataan daynta lagu leeyahay dadalka saboolka, kadibna saartaan dulsaar dheeraad ah.

Shirkadahan ayaa loo yaqaanaa Vulture funds.