Shan nin oo maxkamad Maraykan ah ku heshay burcadnimo

Ciidamada badda ee Maraykanka ee ilaalinaya
Image caption Ciidamada badda ee Maraykanka ee ilaalinaya ee ilaalinaya xeebaha Somaliya agteeda

Maxkamad ku taala magaalada Virginia ee Maraykanka ayaa shan nin oo Soomaali ah ku heshay danbi burcadnimo.

Dacwadan ayaa ah tii ugu horaysay ee lagu qabto dalka Maraykanka in ka badan qarni.

Shanta nin ayaa lagu helay danbi ah inay weerareen markab dagaal oo Maraykanka leeyahay USS Nicholas, bishii April sanadkan iyagoo ku qaldamay oo u malaynayay markab xamuul.

Nimanka ayaa waxay sugayaan in maxkamada ay xukunto,waxaana laga yabaa inay xabsi daa'in ku xukunto.

Markabka dagaalka ee ay weerareen ayaa ka mid ah markabyada dagaalka ee ka ilaaliya burcadda xeebaha Soomaaliya agteeda.