Mubarak ee u jawaabay Ethiopia

Madaxweyne Mubarak
Image caption Madaxweyne Mubarak

Madaxweynaha Masar, Hosni Mubarak, ayaa beeniyay eedeymo sheegayay in dalkiisu uu taageero kooxo fallaago ah oo ka dagaallama Ethiopia.

Madaxweyne Mubarak wuxuu sheegay in uu la yaabay eedeynta oo ay Ethiopia soo jeedisay Talaadadii.

Labada dal, waa Masar iyo Ethiopia waxaa u dhexeeya khilaaf muddo dheer jiray oo ku saabsan sida loo wadaagayo biyaha webiga Niil.

Ethiopia waxay hormuud ka ahayd dadaal lagu burinayo heshiis xilliga gumeysiga la dhigay oo Masar iyo Sudan siinayay qeybta libaax ee biyaha webiga Niil.